Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo ka Hadlay Iska-hor-imaadkii Hargeysa


War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ee XGQM ee arrimaha Somalia, Dr. Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay in egeygu ka welwelsan yahay iska hor imaadkii dhowaan magaalada Hargeysa ka dhacay, kaas oo ay iskaga hor yimaaddeen xoogagga amniga ee Somaliland iyo sida, warsaxaafadeedka lagu sheegay, muwaadiniin reer Somaliland ah, iska hor imaadkaas oo dhaliyey dhimashada dhowr ruux oo labada dhinac ka kala tirsanaa. Warsaxaafadeedka ayaa intaas raaciyey in 17 qof oo ka mid ah kuwii la tuhmay dil lagu xukumay, halka 5 ka mid ahna xabsi daa’im lagu xukumay.

War-saxaafadeedka ayaa qoray in Ergeyga Gaarka ee XGQM uu ka xun yahay dhimashadii labada dhinac soo gaartay, waxana uu welwel ka muujiyey in dad shicib ah lagu maxkmadeeyo maxkamad militari, taasoo, sida warsaxaafeedka lagu sheegay, ka hor imanaysa xeerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Ergeyga Gaarka ayaa, sida warsaxaafeedku qorayo, sheegay in si dhakhso case-kan loogu wareejiyo maxkamadda dambiyada, waxana uu maamulka ku dhiiri galiyey in la hubiyo maxkmad cadaalad ah marka maxkamadda cusub la qaadayo.

Ergeyga gaarka ah ayaa ku baaqay baaris buuxda, madax banaan oo dhexdhexaad ah, taas oo lagu sameeyo shilkii dhacay iyo dhacdooyinkii xigay.

XS
SM
MD
LG