Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga:Khilaafka Baarlamanka lama Aqbali karo


Mahiga:Khilaafka Baarlamanka lama Aqbali karo
Mahiga:Khilaafka Baarlamanka lama Aqbali karo

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Mahiga ayaa maanta sheegay inuu ka walaacsan yahay khilaafka u dhaxeeya xildhibaannada

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayuu danjire Mahiga ugu soo jeediyay dhinacyada iska soo horjeeda ee baarlamanka inay is-afgaran waagooda ku dhammeeyaan wadahadal siyaasadeed oo loo marayo hab nabadgelyo ah.

Waxa uu sheegay inay tahay in la raaco axdiga dowladda KMG ah oo uu baarlamaanku ku dhisan yahay lagu dhameeyo wixii qilaaf ah ee jira in la xaliyo.

Augustine Mahiga ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay gacan-ka-hadalkii maalmihii la soo dhaafay mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ku dhex maray xarunta Golaha Shacanka ee Muqdisho, wuxuuna xildhibaannada ku dhaawacmay rabshadaha u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

Dhinaca kale waxa uu ku goodiyay inay tahay in taalbo ku haboon laga qaado kuwa sida hadalka uu u dhigaya nabadda dhaawacay.

Danjiraha ayaa u soo jeediyay xildhinaannada inay dhinac iska dhigaan khilaafkooda, oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dardargelinta dedaallada nabadda iyo qodobbadii ka soo baxay shirkii wada-tashiga ee Garoowe, si aan loo dayacin fursad qaaliga ah ee ay soomaaliya heysato.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inuu xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya taageerayo dedaalka uu ku howlan yahay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ee xalka loogu raadinayo khilaafka baarlamaanka. Waxaana uu sheegay in gogob nabadeed loo fidinayo dhinacyada isqilaafsan.

Waxuu ugu dambeyntii ugu baaqay madaxda dowladda in qilaafkooda ay u bedelaan ka wada shaqeynt danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG