Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga & Bowden oo Booqday Muqdisho


Mahiga & Bowden oo Booqday Muqdisho
Mahiga & Bowden oo Booqday Muqdisho

Ergayga gaarka ah iyo isu-duwaha gar-gaarka QM ee Somalia, ayaa maanta tagay Muqdisho. Bowden wuxuu Muqdisho ku booqday xeryo

Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan Ergayga gaarka ah ee QM ee Somalia, Augustine Mahiga iyo isu-duwaha arrimaha bini'adanimo QM ee Somalia, Mark Bowden ayaa maanta booqday Muqdisho.

Mahiga, wuxuu kulammo kala gooni=gooni ah la qaatay madaxda dowladda KMG, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somalia. Mahiga wuxuu soo dhaweeyay go'aankii ay baarlamaanku ku ogolaadeen heshiiskii Kampala.

Dhinaca kale, Mark Bowden oo ah isu-duwaha gargaarka bini'aadanimo QM ee Somalia ayaa booqday Muqdisho, wuxuuna tagay xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ka soo cararay abaaraha ka jira gobollada koonfureed ee Somalia. Bowden wuxuu sheegay in xaaladda dadkani ay tahay mid aad u liidata, isagoo sheegay markuu ku dib u noqdo inay ku dadaali doono sidii gar-gaar deg-deg ah dadkan loo soo gaadhsiin lahaa.

XS
SM
MD
LG