Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga: UN-ku uma Guuri karo Muqdisho


Mahiga: UN-ku uma Guuri karo Muqdisho
Mahiga: UN-ku uma Guuri karo Muqdisho

Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu sheegay in amni iyo tas-hiilaadka dartood aan loogu guuri karin Muqdisho

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Agustine Mahiga oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in wakhti xaadirkan aysan hay'adaha samafalku si rasmi ah ugu guuri karin magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ammaanka iyo tas-hiilaadka.

Hadalkan Mahiga wuxuu jawaab u yahay baaq uu shalay ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ujeediyay hay'adaha Qaramada Midoobay in 90 cisho gudohood ugu soo guuraan Soomaaliya.

Dr. Mahiga ayaa sheegay in Muqdisho loo soo guuri karo haddii la sameeyo khad cagaaran oo la mid ah kan magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaasoo shaqaalaha iyo hay'adaha ajnabigu ku heli karaan amni ay ku shaqeyn karaan.

Mahiga ayaa sidoo kale wareysiga uu siiyay VOA-da ku sheegay in shirka Nairobi uu qabsoomi doono wakhtigii loo qabtay.

XS
SM
MD
LG