Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mag laga dhiibayo Nin La Dilay 1996-kii


Madaxtooyada Puntland
Madaxtooyada Puntland

Ehelada ninkaas la diley 14 sano ka hor ayaa tegey tuulada Jurile si ay u qaataan Maggta wiilkooda iskuna cafiyaan dadka tuulada degan.

Nin lagu eedeeyey inuu kufsaday gabar isla markaana loo diley danbigaas awgiis ayaa ku dhawaad 14 sano ka dib waxaa la ogaadey in uusan danbigaas galin.

falkan ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Jurile oo ka tirsan Maamul goboleedka PuntLand.

Falkan ayaa waxaa geystey laba nin oo la sheegey in midkood uu dhintey sida ay VOAda u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ninka la diley ayaa waxa uu ahaa muruqmaal ka tegey Koofurta Somalia.

Odayaasha tuuladan oo uu ka mid yahay Ing Abdirisaq Jurile oo uu aabihiis dhidibada u taagey tuulada looguna magacdarey ayaa waxa ay hada Diyo ama magg waxa ay siinayaan eheladii Cusman Cumar oo tuulada lagu diley 1996dii.

Ehelada Marxuumka la diley ayaa waxa ay maanta tagayaan deegaanka Jurile oo uu dilku ka dhacay si ay Magtii wiilkooda u qaataan isla markaan ay isku cafiyaan dadka deegaanka iyo ehelada wiilka.

Dadka deegaanka ayaa aaminsan in dilkaas uu saameyn xaga nolosha iyo horumarka ah ku yeeshey tuulada Jurile.

Waa markii ugu horeysey ee inta la xasuusto fal noocan oo kale ah sidan looga xaallo iyadoo aan sharci iyo awood dowli ah loo adeegsan.

XS
SM
MD
LG