Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madoobe oo ka hadlay muranka baarlamaanka


Guddoomiyaha Baarlamaanka
Guddoomiyaha Baarlamaanka

Guddoomiyaha barlamaanka KMG ah Sheekh Adan Max’ed Nuur (Adan Madoobe) ayaa xildhibaannada ka soo horjeeda ku tilmaamay kuwo xiriir la leh ururka Al-shabaab.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay golaha barlamaanka KMG ayuu ku weeraray xildhibaannada ka soo horjeeda ee ku doodaya in waqtigii ka dhamaaday guddoonka baarlamaanka.

Adan Madoobe, wuxuu sheegay in qorshaha ka danbeeya xildhibaannadaasi ay tahay sidii loo dudumin lahaa dowladda KMG, wuxuuna qorshahaasi ku sheegay inay ka danbeeyaan wuxuu ugu yeeray “caddow”.

Guddoomiyaha baarlamaanku, wuxuu xusay in xilligii shirkii Djibouti uu socday uu ahaa sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya, balse isla markii la doortay madaxweynaha cusub uu xilka wareejiyay, taasina ay muujinayso ayuu yiri inuu sharciga u hogaansan yahay.

Adan Madoobe, wuxuu carabka ku dhuftay in diyaar u yahay inuu xilka ka dago haddii ay taasi ku jirto danta Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu xil walba ka dooranayo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. Guddoomiye Madoobe wuxuu gacan sayray inuu xilka uga tago shaqsiyaad uu sheegay inay fowdo wadaan.

XS
SM
MD
LG