Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madfac dad ku dilay Xamar Jajab


Madfac dad ku dilay Xamar Jajab
Madfac dad ku dilay Xamar Jajab

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay kadib markii madfac uu ku dhacay degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay labo qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu madfac ku dhacay isgoyska Xamar Jajab ee ku dhow dekedda magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray dad xoogsato ah oo qaarkood u shaqo taga dekedda iyo kuwo mehrado ganacsi oo yaryar ku lahaa agagaarka isgoyska Xamar Jajab.

Waxaana dadkan intooda badan loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho si halkaasi loogu daweeyo.

Sidoo kale qaraxan madfaca ah ayaa waxyeelo ay ka soo gaartay gaari booyad ah oo waday shidaal, waxaana warar iskhilaafsan ay sheegayaan in qaraxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala eeganayay gaarigaasi shidaalka waday, halka dadka deegaanka ahina ay tilmaamayaan inuu ahaa hoobiye ku socday dekedda magaalada Muqdisho oo uu ku xiran yahay markab weyn oo sida shidaal maalmahanba degayay.

XS
SM
MD
LG