Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Magacaabay Guddi Doorasho oo Cusub


Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabey Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo dib u habeyn kooban lagu sameeyay xubnihiisa.

Magacaabista madaxweynaha ayaa timid kadib markii guddi hore uu madaxweynaha u magacaabay oo wasiiro badan ay ku jireen dib looga noqday.

Guddiga cusub ee madaxweynaha uu magacaabay ayaa waxaa uu ka kooban yahay 22 xubnood oo magacyadooda ay hoos ku xusan yihiin:

1.Cumar Maxamed Cabdulle
2. Mustaqiim Wayd
3. Maxamed Kaynaan
4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
5. Nafisa Geeddi Santuur
6. Maxamed Cali Diiriye
7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye
8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
9. Saciido Maxamed Musciid
10. Aweys Abuukar Sokorow
11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
12. Burhaan Cilmi Xirsi
13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib
14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon
15. Salaad Cali Ibraahim Catoos
16. Aadan Cabdinaasir Maxamed
17. Cabdullaahi Salaad Yarow
18. Yaasiin Cabdi Jaamac
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow
22. Raaxo Maxamed Janaqow

Qoraalkan kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabista guddigan cusub.

Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

XS
SM
MD
LG