Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo Fariin U Diray Shabaab


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan waxa uu farriintiisa kooxda Al-Shabaab ugu sheegay inay u bannaan yihiin fursado aan ku koobneyn oo kaliya ku biiritaanka Daacish ama Al-Qaacida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray farriin cusub oo uu u dirayo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladdiisa.

Farriinta madaxweynaha ayaa ku billaabatay shaac ka qaadis ku saabsan in dowladdiisa ay ogtahay khilaaf uu ku sheegay inuu mid aan qarsooneyn oo ka dhex jira xubnaha Al-Shabaab, kaasi oo salka ku haya in kooxda ay ku biirto Daacish ama ay kasii mid ahaato ururka Al-Qaacida.

Madaxweynaha waxa uu labadan koooxdooba ugu yeeray in magacooda rasmiga ah uu yahay “Kuwii wax burburinayey”.

“ Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al Qaacida waxay u taagan yihiin hawshooduna ay tahay in ay wax burburiyaan. Waxay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dadka ay dhibaateynayaan, amaba ay wax u geysanayaan” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri farriintiisa, oo qoraal ahaan lagu soo gaasriiyey VOA-da.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu farriintiisa kooxda Al-Shabaab ugu sheegay inay u bannaan yihiin fursado aan ku koobneyn oo kaliya ku biiritaanka Daacish ama Al-Qaacida, balse ay jiraan kuwo labadaasba ka wanaagsan.

“Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo keliya in aad daacad u noqotaan Al-Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wanaagsan, taas oo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinace kalena ku warramay in khilaafka ka dhex aloosan Al-Shabaab uu astaan u yahay, sida uu yiri, koox mar hore ay jihadu ka luntey, oo weli ku dheggan fikir khaldan iyo xulasho aan sax ahayn oo mustaqbalkooda la xiriirta.

“Ma dooneyno nooc cusub oo cabsi iyo cabburin lagu beerayo Soomaaliya. Soomaaliya wey ku soo daashay khasaaraha ka soo gaaray noocyada argagixisada ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxa uu ku celiyey in Al-Shabaab ay weli u furan tahay inay usoo gacan haatiyaan dowladda, ayna kula soo xiriiri karaan meel kasta, iyo waqti kasta oo ay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan ficilladooda.

“Waxaa diyaar idiin ah oo idiin furan dhegaheenna iyo gacan wax idiin qaban doonta. Dowladdu waxay si buuxda u damaanad qaadeysaa nabadgelyadiinna iyo bedqabkiina. Shuruudda keliya ee aan dooneyno in aad fulisaan waxay tahay in aad diiddaan ama aad dhinac iska dhigtaan Al Shabaab iyo fikirka ay ku dhaqmaan ee ku salleysan dagaalka iyo colaadda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn, isaga oo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya, ku booriyey Al-Shabaab inay doortaan nabadda.

XS
SM
MD
LG