Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Y. Dabageed oo Gudd. Hiiraan loo Magacaabay


Yuusuf Axmed Hagar DABA-GEED ayaa mar kale loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.Dabageed ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somalia waxa uu ugu magacownaa Madaxa dib u heshiisiinta gobolka Hiiraan, waxaanu kamid ahaa masuuliyiintii dhawaanahanba B/weyne u joogay xallinta dagaalkii magaaladaasi ka dhacay.

Yuusuf Dabageed waxa uu beddelayaa C/fataax Xasan Afrax, Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo mjuddo ka badan hal bil ah ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana B/weyne laga soo kaxeeyay markii ay cirka isku shareertay xiisad ka dhalatay Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska hey'adda Miino-baarista u qaabilsan Qaramada Mooday oo Mine Action ay ilaalada Mr. Afrax 14-kii October B/weyne ku toogteen.

Magacabaistan waxaa soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
XS
SM
MD
LG