Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Abaaraha


Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Abaaraha
Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Abaaraha

M/weyne Shariif Sh. Axmed ayaa shirkan jaraaid ku beegay xuska 1-da Luulyo wuxuuna uga hadlay xaaladdaha abaaraha, amniga iyo siyaasadda

Madaxweynaha DKMG, Shariif Sh Axmed oo maanta shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladdaha abaaraha, amniga iyo siyaasadeed ee dalka Somalia.

Madaxweyne Shariif, wuxuu ugu horreyn hambalyo ku aadan maalinta kowda Luulyo u soo jeediyay dadka Soomaalida.

Madaxweyne Shariif wuxuu uga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka Somalia oo uu sheegay inay yihiin culeys weyn oo soo food-saaray dadka Somaalida, wuxuuna dadka Soomaalida ugu baaqay inay xoolahooda wax ka bixiyaan sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaruhu aafeeyeen, isagoo sidoo kalena beesha caalanka ka codsaday inay gar-gaar deg-deg ah soo gaarsiiyaan Somalia.

Shariif Sh. Axmed, wuxuu sheegay in dowladdiisu ay guullo la taaban karo ka gaadhay dhinacyada amniga iyo siyaasadda, isagoo xusay in dadaal fara badan iyo dhiig badan oo daatay ay keentay inay maanta muuqato iffafaallooyin fiican. Sharif Sheekh Axmed wuxuu caddeeyey in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay sii laba-laabto waxqabadkeedda.

Madaxweynaha Somalia, mar uu ka hadlayay Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, wuxuu sheegay inay labaduba yihiin dhibaato dalka Somalia ku soo korortay 20-kii sanno ee ugu danbeeyay, kuwaasoo ka been sheegaya diinta islaamka isla markaana ujeedadoodu tahay baabiinta karaamadda dadka Soomaalida.

Madaxweyne Shariif wuxu kaloo soo hadal qaaday burcad-badeedda Soomaalida oo uu sheegay inay dhibaato iyo magac xumo u soo jiidayaan dalka Somalia.

XS
SM
MD
LG