Isku xirrada

War

Madaxweyne Shariif oo Puntland Tagey


Madaxweyne Shariif oo Puntland Tagey

Madaxweyne Shariif oo Puntland Tagey

Waa booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Puntland ku tago, waxana kasii horeeyey RW Cabdiwali Cali-Gaas

Wararka ka imanayaa magaalada Gorwe, xarunta Maamul-goboleed Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed uu maanta magaalada Garow tagey. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyey Madaxweyne Cabdiraxmana Faroole.

Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Shariif tago deegaanada Puntland ilaa intii xilka loo doortay, waxana la filayaa in labada mas’uul ay ka wada haldaan heshiiska wadatashiga ah ee dhinacyada Somalia uga furmaya 4-6 bisha September ee soo socota.

Wararka yaa sheegaya in ay Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Faroole ay wali ku jiraan shir ay albaabadu u xiray yihiin.

RW DKMG ah ee Somalia ayaa dhowr maalmood uga sii horeeyey Madaxweynaha, magaalada Garowe.

Wararka kulmadaas kasoo baxa, idaacadahayga soo socda ayaad ku maqli doontaan.

XS
SM
MD
LG