Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo la Kulmay Madaxweynaha Uganda


Madaxweyne Shariif oo la Kulmay Madaxweynaha Uganda
Madaxweyne Shariif oo la Kulmay Madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Somalia ayaa la kulmay madaxweynaha Uganda gallinkii dambe ee shalay, kulankan ayaa ka dhacay magaalada Kampala ee xaruunta Uganda

Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shalay booqasho deg-deg ah ku tegay caasimada dalka Uganda ee Kampala ayay wararku sheegayaan in isla shalay gelinkii dambe ay halkaasi kulan kuwada yeesheen madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Sheikh Shariif oo ay safarkiisa ku wehliyaanxubno ay ka mid yihiin saraakiisha ugu sareysa ee qeybaha ciidamada ee Soomaaliya ayaa kulankoodaasi kaga wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya ee dhowaanahan u muuqday kuwo aad u cakiran ee ka dhashay khilaafka dhinaca sharciga la xariira ee soo kala dhex-galay hay’adaha dowladda ku meel gaarka. iyagoo sidoo kalena kulankoodaasi qiimeyn ku sameeyay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhinaca ammaanka, maadaama ay dowladda Uganda ka joogaan Magaalada Muqdisho ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM.

Xoghayaha warfaafinta ee Madaxweyne Museveni ayaa xalay saxaafadda u sheegay in labada Madaxweyne uu kulankoodu qeyb ka ahaa sidii wada-tashi uga yeelan lahaayeen shirka gaarka ah ee looga hadlayo xaaladda Soomaaliya oo ay Qaramadda Midoobay u qorshaysay in Khamiista soo socata uu ka dhaco xaruntooda New York, isagoo xaqiijiyay in shirkaasina uu goob-joog ka noqon doono Madaxweynaha dalka Uganda.

Dhinaca kalena, lix qof oo ka mid ah Soomaalida ku xirneyd xabsiyada dalka Uganda ee loo heystay eedeymo la xariira iney ku lug lahaayeen qaraxyada bishii July ka dhacay Magaalada Kampala ayaa shalay laga sii daayay xabsiyadii ay ku jireen, waxaana dadkaasi ka mid ah nin lagu magacaabo Bile Cabdullaahi Cali oo la sheegay inuu weriye u shaqeyn jiray Idaacad ku taala Muqdisho, isla-markaana halkaasi ku xernaa muddo ka badan laba bilood.

XS
SM
MD
LG