Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Kormeer Sameeyay


Madaxweyne Shariif oo Kormeer Sameeyay
Madaxweyne Shariif oo Kormeer Sameeyay

Madaxweyne Sh Shariif ayaa soo kormeeray Xabsiga dhexe iyo Isbataalka Martiini ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marka hore socdaal ku soo maray Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, waxaana uu warbixin ka dhegaystay taliyaha ciidanka Asluubta General Cabdulaahi Macallin Cali.

Taliyaha ayaa faahfahin ka siiyay madaxweynaha baahida uu xabsigu qabo iyo dayactirka uu u baahanyahay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo maray Isbitaalka Martiini oo ay ku suganyihiin naafada askaratii ku dhaawacantay dagaalki 77kii.

Afhayeenka askartaasi naafada ah oo lagu magacaabo Cabdi Mahad ayaa madaxweynaha u sheegay dhibaatada haysata askartaasi oo sida uu sheegay tan iyo 1977kii halkaasi ku nool.

Afhayeenku waxaa uu tilmaamay in tiradoodu ay ahayd in ka badan laba kun oo qof imikana ay marayaan wax aan ka badnayn 300, kuwaasi oo u dhintay gaajo iyo darxumo, waxaana uu ka codasday in ay dawladdu wax la qabato.

Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay sida ay dawalddu ugu dadaalayso soo celinta qaranimada oo sida uu sheegay iyada muftaax u daboolista baahida umadda oo dhan , oo ku jiraan askartaasi naafada ah.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG