Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Doorashada Ka Hadlay


Madaxweyne Shariif oo Doorashada Ka Hadlay
Madaxweyne Shariif oo Doorashada Ka Hadlay

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan doorasho u cusbooneysiin karin madaxda dowladda.

War saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waxaa lagu sheegay inuu daba socdo oo uu jawaab u yahay, war saxaafadeedkii uu guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan soo saaray 19-kii bishan March ee sanadkan 2011-ka, kaasoo ku saabsanaa arrimaha doorashada madaxda dowladda.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta war saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa madaxtooyada ee Villa Somalia waxa uu ku sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan doorasho u cusbooneysiin karin madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka, iyadoo wakhtigii uusan weli dhammaan amma aysan iman geeri amma shaqo ka tegis.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale war saxaafadeedkiisa ku sheegay in doorasho ay qabsoomi karto oo keliya marka uu yimaado baarlamaan cusub, muddo kordhinta baarlamaankana aan loo fasiri karin baarlamaan cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa war saxaafadeedkiisa u cuskaday qodobo ku xusan Axdi-qarameedka iyo dastuurkii 1960-kii ee Soomaaliya.

Dhegayso war-saxaafadeedka oo kooban:

War saxaafadeedkan ayuu madaxweynuhu soo saaray iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, uuna sheegay in doorashada madaxda dowladda ay qabsoomi doonto dabayaaqada bisha August.

Guddoomiyaha baarlamaanka, ma uusan kala saarin doorashada madaxda dowladda ee uu sheegay midda hordhici doonta.

Dhageyso shirka jaraa'id ee Shariif Xasan:


Dhanka kale Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka hadlay arrimaha lagu muransan yahay ee la xiriira doorashada madaxda dowladda ayaa sheegay in sharcigu uu cad yahay.

Wuxuu sheegay in doorashada guddoomiyaha ay soo hormareyso tan madaxweynahana ay ku xigi doonto.

Dhageyso wareysiga Xildhibaan Qanyare:


Si kastaba ha ahaatee murankan la xiriira doorashada madaxda dowladda waxa uu u muuqdaa inuu cirka isku sii shareerayo.

XS
SM
MD
LG