Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Cambaareeyey Dilka Weriye Xasan Fantastic


Madaxweyne Shariif oo Cambaareeyey Dilka Weriye Xasan Fantastic
Madaxweyne Shariif oo Cambaareeyey Dilka Weriye Xasan Fantastic

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u dhalleeceyey dilkii weriye Xasan Cusmaan Cabdi “Fantastic” oo shalay lagu dilay magaalada Muqdishu.

War saxaafadeed kasoo baxay Xfaiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxwyenuhu uu aad uga murugooday dilka macno-darrada ah ee weriyaha. Madaxweynuhu waxa uu dilkaais ku tilmaamay Masiibo daran, waxaana uu tacsi u diray ehelada weriyaha iyo saxaafada.

Madaxweynaha aya augu baaqay shacabka inay hay’’daha ku shaqada leh ka caawiyaan sidii kiiskan loo baadhi lahaa ayna iska ilalaiyana kuwa liddiga ku ah nabadda iyo xasilloonida waddanka.

Madaxweynuhu waxa uu shegay in dawladdu ay dib u eego doonto tallaabooyinka dhinaca nabadgelyada si loo ilalaiyo muwaadiniinta gaar ahana kuwa ku hawlan danaha bulshada.

Weriye Xasan Cusmaan Cabdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdishu, waxaana sidoo kale dilkiisa cambaareeyey hay’adaha u dooda xuquuqda suxufiyiinta.

Warbixinta aaska weriya waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

XS
SM
MD
LG