Isku xirrada

War

M/weyne Shariif iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka


M/weyne Shariif iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka

M/weyne Shariif iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in go'aankii muddo kordhinta baarlamaanka uu u baahnaa in wadatashiyo la soo marsiiyo.

Madaxweyaha DKMG, Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta baarlamaanka Somalia dib ugu celiyay go’aankii ay dhawaan muddada saddexda sano ah ku kordhisteen waqtiga baarlamaanka Somalia.

Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdsiho ayuu Madaxweyne Shariif ku sheegay in go’aankii muddo karodhinta ee baarlamaanka Somalia uu ahaa mid aan loo soo marin waddadii saxda ahayd, isagoo sheegay in go’aannkaasi uu u baahnaa wadatashiyo badan oo la soo marsiiyo.

Madaxweynaha Somalia, wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaallada maanta ka dhacay qeybo ka tirsan Somalia, isagoo sheegay sheeegay in wasaaraddii Gaashaandhiga, warshadda Caanaha iyo Rugta Saraakiisha ee Muqdisho ay ka mid yihiin goobaha gacanta u soo galay dowladda Somalia. Sheekh Shariif wuxuu sheegay in ciidamada dowladdu ay sidoo kale qabsadeen Degmada Beledxaawo iyagoo haatana uu dagaal ka socdo magaalada Beledweyne.

XS
SM
MD
LG