Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Saalax oo Tagay Sacuudiga


Madaxweyne Saalax oo Tagay Sacuudiga
Madaxweyne Saalax oo Tagay Sacuudiga

Saraakiil Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in madaxweynaha Yemen uu gaaray Sacuudiga si looga daaweeyo dhaawacyadii gaaray

Saraakiil Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in madaxweynaha Yemen, Cali C/lle Saalax uu tagay Sacuudi Carabiya si looga daaweeyo dhaawacyadii ka soo gaadhay gantaalkii jimcihii lagu weeraray xarunta ee magaalad Sanca.

Warbaahinta dowladda ee Yemen ayaa shalay sheegay in ra’isal-wasaaraha iyo afar sarkaal oo sare ay sidoo kale u safreen Sacuudiga si looga daaweeyo dhaawacyadii iyagana soo gaaray.

Dhanka kale, dowladda iyo qabiillada mucaaradka ee uu hoggaamiyaha Sheekh Saadaq al-Ahmar ayaa isku raacay xabad-joojin uu ka soo shaqeeyay Sacuudigu.

Muddo hadda laga joogo toddobaad ayaa xabad-joojin taas la mid ah ay dhaqsi u buruburtay, waxayna soo cusbooneysiisay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada daacada u ah madaxweyne Cali Cabdallah Saalah iyo xoogagga taabacsan hoggaamiye qabiilleedka ka soo horjeeda dawlada ee Sheekh Saadiq al- Ahmar.

XS
SM
MD
LG