Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Booqday Hiroshima


Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta tagay magaalada Hiroshima ee dalka Japan isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah oo booqda magaaladaas, oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku rideen atoomik bam, 6-dii August, 1945-kii, intii uu socda dagaalkii labaad ee adduunka.

Barack Obama iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa ubax dhigay goobta xusuusta nabadda ee magaalada.

Saacado ka hor inta uusan iman magaalada, ayaa Obama waxa uu saldhigga diyaradaha ee Iwakuni, ee aan ka fogeyn Hiroshima, kula kulmay ciidamada Mareykanka iyo Japan, isaga oo u sheegay in booqashadiisa ay tahay fursad lagu sharfayo dhammaaan dadkii lagu waayey dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxa uu sheegay in tani ay astaan u tahay in xittaa waxyaabaha ugu xanuunka badan ee dadka kala qeybiya laga gudbi karo, iyo sida labadan dal ay u noqdeen saaxiibo aad isugu wanaagsan.

Madaxweynaha Mareykanka, waxa uu sheegay inuusan raali-gelin ka bixin doonin go’aankii madaxweyne Harry Truman uu qaatay ee bamka loogu dhuftay Hiroshima, halkaas oo durbadiiba ay 80,000 oo qof ku dhinteen, islamarkaana 90% magaalada ay baa ba’day.

XS
SM
MD
LG