Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama Oo Ku Biiray Saaxiibada Facebook


Bogga madaxweyne Barack Obama waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyey ee facebook oo madaxweyne Mareykan ah uu yeesho.

Ayada oo sanad kaliya uu uga haray xafiiska, ayaa madaxweynaha Mareykanka, waxa uu ugu dambeyn ku biiray madaxda iyo dadka kale ee bogag ku leh barta Facebook.

Aqalka cad ayaa Isniintii billaabay boggii ugu horreeyey ee facebook oo madaxweyne Mareykan ah uu yeesho, kaasi oo ah (https://www.facebook.com/potus).

Qoraalkii ugu horreeyey ee rasmi ah oo uu soo dhiggay facebook, Obama waxa uu ku sheegay inuu doonayo in bogga cusub uu noqdo meel uu dadka kula yeesho wada-sheekeysi dhab ah oo ku saabsan arrimaha ugu muhiimsan ee dalka Mareykanka uu wajahayo, islamarkaana ay dadka si toos ugala hadlaan madaxweynaha.

Saacad un kadib markii uu soo dhiggay qoraalkiisii ugu horreeyey, madaxweynaha waxa uu helay 4,000 oo like.

Madaxweyne Obama, horey ayuu u lahaa bog shaqsi oo magaciisa ah, hase yeeshee boggan waa midka madaxweynaha Mareykanka, taas oo macnaheedu yahay in madaxweynaha xiga ee Mareykanka uu ku wareegi doono, marka Obama uu ka tago xafiiska.

XS
SM
MD
LG