Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF Somalia Oo Amartay In La Xiro 35 Website


Kismayo, Somalia
Kismayo, Somalia

35-ka Website ayaa lagu eedeeyey faafinta dacaayado kala duwan oo ay ka sameeyeen shakhsiyaad magac ku leh bulshada.

Amar ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la xannibo illaa 35 website, kuwaas oo uu sheegay inay baadhis ku wadaan ka dib markii ay heleen cabashooyin kala duwan oo xafiiskooda soo gaadhay.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa ku amray wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta inay xannibaan Website-yadaas inta la hubinayo sugnaanshaha cabashooyinka soo gaadhay xafiiska Xeer ilaaliyaha.

Qoraalkan oo uu soo saaray Xeer ilaaliye ku Xigeenka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan oo lagu socodsiiyey Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cabashooyinka loo haysto website-yadaas ay isugu jiraan kuwo la xidhiidha dhinaca anshaxa iyo faafinta dacaayado kala duwan oo ay ka sameeyeen shakhsiyaad magac ku leh bulshada iyo mas’uuliyiin kale duwan.

XS
SM
MD
LG