Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paris: Howlgal Cusub Oo Lagu Dilay Laba Qof


Dacwad oogahay Paris ayaa sheegay in haweeney ay is qarxisay, qof kalena lagu dilay howlgal dhacay Arbacada.

Xafiiska dacwad oogaha magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in haweeney ay Arbacada isku qarxisay duleedka Paris, xilli booliiska ay howlgal ku bartilmaameedsadeen mintid ka tirsan kooxda Daacish oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyeyey weeraradii jimcihii lagu qaaday Paris.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay baadi goobayeen Abdelhamid Abaaoud oo ah nin Biljamka u dhashay oo asal ahaan kasoo jooda Morocco. Abdelhamid waa laga waayey guriga, lamana oga meel uu ku sugan yahay.

Ka sokow haweeneyda is qarxisay, booliiska waxa ay sheegeen in qof kale lagu dilay, saddex sarkaalna lagu dhaawacay howlgalka.

Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad oogaha ayaa lagu sheegay in toddoba qof lagu soo xiray dhismaha howlgalka laga fuliyey.

Booliiska magaalada Paris ayaa iyaguna sheegay in 16 qof la xiray tan iyo axadddii ayaga oo lala xiriinayo weeraradii dhacay jimcihii oo 129 qof lagu dilay islamarkaana lagu dhaawacay 350 qof oo kale.

XS
SM
MD
LG