Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: ISIS Cadaadis Ayey Dareemi Doontaa


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in ISIS ay dareemi doonaan cadaadis dheeri ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay Talaadaddii shalay in Ururka ISIS ay dareemi doonaan cadaadis dheeri ah todobaadyada soo socda, marka Mareyanka, Faransiiska iyo saaxibadood ay kordhiyaan gulufkooda millatari ee ka dhanka ah ISIS.

Hadalkan ayuu ka sheegay magaalada Paris ka dib markii uu kulan la qaatay Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sida ugu haboon ee ay labada dowladooda isaga kaashan karaan weeraro naafeeya ISIS.

Kulankan ayaa yimid maalmo un ka dib markii toogashooyin is-xigxigay iyo qaraxyo lagu weerar magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 129 qof ku dhawaad laba boqol oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xoghaye Kerry ayaa sidoo kale xusay guullo uu isbaheysiga ka gaaray dagaalka ka dhanka ah ISIS oo uu sheegay in maanta ay heysato oo kaliya wax ka yar rubac ka mid ah waqooyiga Syria.

Madaxweynaha Faransiiska, Hollande, ayaa dhinaciisa wacad ku maray inuu dagaal arxan daran la gali doono mintidiinta ISIS , gaar ahaan gudaha Syria oo uu sheegay in weeraradii Paris laga soo abaabulay.

XS
SM
MD
LG