Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xilka kama Degayo ilaa iyo inta ........


Xilka kama Degayo ilaa iyo inta ........
Xilka kama Degayo ilaa iyo inta ........

Isma casilayo ilaa iyo inta General Ali Muxsin iyo Ganacsade Xamid Al-axmar ay siyaasadda lug ku leeyihiin

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Salex ayaa sheegay inuusan iscasili doonin, ilaa iyo inta buu yiri kuwa ugu waaweeyn ee ka soo horjeeda, sida Jeneralka sare ee u goostay dhinaca Mucaaradka , hogaamiyaha qabaa’ileedka Miliyineerka ah iyo qooyskiisa, ay awood iyo galaangal ku leeyihiin dalkaasi

Wareeysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska The Washington Post iyo Time magazine, ayuu Mr. Saleh ku sheegay in qorshaha isbedelka siyaasadeed ee ay hindiseen dalalka gacanka ee deriska la ah Yemen, uu meesha ka saarayo kuwa gacanta ka geeysta xasilooni daridda dalkaasi ka jirta

Waxa uu sheegay Mr. Salex inuu taasi ula jeedo in uusan awooda wareejin doonin, hadii buu yiri, General Ali Mohsen al-Axmar iyo Xamid al-Axmar, oo ah gacansade weeyn iyo siyaasi, oo uu walaalkiis hogaamiyo xiriirka qabaa’ilka ugu xooga badan dalka Yemen, aysan xaq u laheyn ineey u ordaan doorasho kasta oo mustaqbalka ka dhacda Yemen.

Mr. Saleh waxa uu ka digay ineey Qatar noqon doonto hadii labadaasi nin ay jagooyin ka qabtaan dalkaasi marka uu iscasilo ka dib, taasoo uu ku tilmaamay talaabo horseedi karta dagaal sokeeye

Waxa uu ku eedeeyay kuwa ka soo horjeeda ineey afduub ku heeystaan kacdoonka dadka reer yemen oo ay u adeegsanayaan ineey isaga xukunka kaga tuuraan

Mr. Saleh ayaa sidoo kale cadeeyay, in General Muxsin iyo Qabiilka Axmar ay qeeyb ka ciyaareen weerarkii bishii June loo geeystay qasrigiisa madaxtooyada, kaasoo isaga si xun loogu dhaawacay

Waxa uu ku soo laabtay caasimadda Yemen todobaadkii la soo dhaafay, ka dib sadex bilood oo uu ku soo qaatay dalka Sacuudiga is uu uga soo kabto dhaawacyadii soo gaaray.

XS
SM
MD
LG