Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Yemen oo Dhaawacmay


Madaxweynaha Yemen oo Dhaawacmay
Madaxweynaha Yemen oo Dhaawacmay

Madaxweyne Cali C/lle Saalax ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac kaddib markii madaafiic ay ku soo dhaceen xaruntiisa madaxtooyada

Madaxweynihii dalka Yemen Ali Abdullah Saleh ayaa la sheegay in lagu dhaawacay weerar lagu qaaday dhismihiisa.

Wararku waxay sheegayaan in madaxwyenaha uu soo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo dhowr ka tirsan saraakiisha dawladdiis iyagana la dhaawacay, kuwaasoo qaarkood dhaawacoodu uu halis yahay.

Ma cidda cidda weerarkaais qaadday; saraakiisha kudhow madaxweynahana waxay sheegeen inuu goor dhow shir jaraa’id qaban doono.

Dagaallada ka socda magaalada Sanca ee u dhexeeya dawladda iyo hoggamaiye beeleedka Sheikh Sadeq al-Ahmar ayaa sii xoogaystay. Dagaalladan ayaa sidoo kale ku fiday xaafaddo kale oo ka tirsan magaalada Sanca oo ah caasimada Yemen.

XS
SM
MD
LG