Isku xirrada

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Xerada Dhadhaab


Madaxweyne Xasan Dhadhaab

Madaxweyne Xasan Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Somalia ee booqda xeradaasi tan iyo markii ay burburtay xukumaddii dhexe ee Somalia sanadkii 1991-kii.

Madaxweynaha ayaa waxa uu hogaaminaye wafdi ka kooban labada gole ee xukumadda iyo baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa Xeradaasi ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo Kenyan ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery, Guddomiyaha Gobolka Garisa Nathif Jama, xubno ka tirsan mudanaaysha barlamanka Kenya ee gobolka , iyo saraakiil kale.

Isago la hadlayauy dadka Qaxootiga ah ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan jirin qorshe heshiis lagu yahay oo qaxootiga xeryahan si qasab ah loogu celinayo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu doonayo inay ku helaan goobaha ay ku noqonayaan ee Soomaaliya adeegyada aas aasiga ah ee la midka ah kuwa ay xeryaha dhadhaab ku heystaan.

Waxa uu sheegay inaysan suuragal aheyn in si qoor qabad ah loo celiyo, oo caruurta xeryaha ku nool ee waxbarashada heystaa ay waayaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay dowladda Kenya, muddaddii dheereyd ee ay marti gelineysay qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

Booqashada Madaxweynaha Somalia ee Dadaab ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan dowladda Kenya ay ku dhawaaqday inay xireyso xeryaha Dhadhaab, oo ah xerada qaxooti ee ugu balaaran dunida oo ay ku nool yihiin in ka badan 300 kun oo qaxooti Soomaali ah.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ka diyaraisay

XS
SM
MD
LG