Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Somalia oo Xilka ka Qaaday Taliyihii Nabad-Sugidda


Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyen Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Madaxweynaha ayaa taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , si KMG ah ugu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Tan bishii May ee sannadkii 2011-ka Soomaaliya waxay yeelatay 5 Agaasime nabad sugid kuwaasi oo kala ahaa Axmed Macalin Fiqi oo xilka hayey intii u dhaxaysay May 2011-kii ilaa Maarso 2013-kii; Bashiir Maxamed Jaamac Goobe oo xilka hayey Maarso 2013-kii ilaa July 2014-kii; Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo xilka hayey July 2014-kii ilaa Sebtembar 2014-kii; Jeneral Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo xilka hayey Sebtember 2014-kii ilaa Juun 2016-kii iyo ugu dambayn maanta oo si ku meel gaadh ah loo magacaabay Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamud.

XS
SM
MD
LG