Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha DG Puntland oo Yemen Booqanaya


Madaxweynaha DG Puntland oo Yemen Booqanaya
Madaxweynaha DG Puntland oo Yemen Booqanaya

Madaxweyne Cabdiraxman Faroole ayaa kulan magaalada Sanca kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Yemen Mutahar R. Al-Misri

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Cabdiraxman Maxamed (Faroole) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku jooga waddanka Yemen. Madaxweyne Faroole ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Yemen, Mutahar Rashaad Al-misri oo ay ka wada hadleen ammaanka. Faroole ayaa ku tilmaamay dagaalka uu kula jiro kooxda uu hogaamiyo Sheekh Atam inay yihiin koox Al-Qaacida ku xiran, haddii aan laga hortaginna ay khatarteedu dunida wada gaareyso.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Yemen ayaa sheegay in Puntland ay ka caawin doonaan tababaro dhinaca ciidamada milateriga iyo kuwa booliiska ah.

Cabdillaahi A. Jaamac (Ilka jiir), Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland oo weheliyey wafdiga uu hogaaminayey Madaxweyne Faroole ayaa isna sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Yemen ay dhinacyo badan taabanayeen, laakiin ay ugu weynaayeen arrimaha dhinaca ammaanka iyo dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalka Yemen

Warbixintan oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG