Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxtooyada oo Iska Fogaysay Is Casilaadda Wasiirada

Xafiiska Madaxtooyada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inaan Madaxweynuhu ku lug lahayn is casilaadda wasiirada.

C/rashiid Khaliif oo ku saxiixnaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa VOA-da uga warramay sida uu madaxweynuhu u arko is casilaadda wasiirrada iyo wararka sheegaya in uu wax ka ogaa shaqo ka tagistooda.
Qaar ka mid ah warbaahinada ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka warqabay is casilaadda qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada, maadaama lagu tiriyo inay ahaayeen kuwo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynuhu, taasoo ay dadka faalleeya siyaasddana ku macneeyeen in ujeedadu noqon karto in la wiiqo awoodda ra’iisal wasaaraha. Hase ahaate madaxooyada ayaa gabi ahaanba arrintaasi beenisay.
Dhinaca kalana qaar mid ah xubaha golaha baarlamaanka ku meel gaarka ah ee soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay is casilaadda qaar ka mid ah xubnaha goalaha wasiirrada ee maalmihii la soo dhaafay ku dhawaaqay in ay shaqada uga tageen sida ay hadalka u dhigeen xukuumadda oo gudan wayday hoshii loo igmaday.
Hase ahaatee masuul u hadlay xafiiska ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaan wax wayn ka soo qaadin is casilaadda wasiirrada. Dr. Khaalid Cumar Cali oo ay shalay VOAdu la hadashay ayaa shaqo ka tagista wasiirrada ku sifeeyaymid aan qiimo badan ku fadhiyin.
Si kastaba ha ahaatee war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxeyne Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa timid iyadoo ay jirto hadaly hayn ku aaddan in qaar ka mid xubnaha golaha wasiirrada ee shaqada ka tagay lagu tiriyo kuwo ay aad isugu dhowaayeen madaxweyne Sheekh Shariif. Waxayna dadka qaar saadaalinayaan in ay arrintaasi salka ku hayso khilaafkii muddooyinkii dhowaa soo kala dhex galay madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra’iisal wasaare cumar C/rashiid.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso midigta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG