Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Somaliland iyo Ethiopia oo Kulamo u Bilowday


Madaxda Somaliland iyo Ethiopia oo Kulamo u Bilowday
Madaxda Somaliland iyo Ethiopia oo Kulamo u Bilowday

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ay kulamo uga bilowdeen madaxda maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxda maamulka Somaliland ee socdaalka ku jooga magaalada Addis Ababa iyo mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa khamiistii ay kulamo uga bilowdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mas'uuliyiinta ayaa kulamadooda uga wadahadlayaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in kulamada diiradda lagu saari doono xiriirka ganacsiga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu socdaalkiisa Addis Ababa uga sii gudbi doono magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo casuumaad uu ka helay.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu halkaasi kulamo kula qaadan doono mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Britain. Wuxuu kaloo intaa raaciyay in kulamada qeybtood looga hadli doono xoojinta dhaqaalaha Somaliland.

XS
SM
MD
LG