Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Maraykanka oo Heshiis Gaaray


Madaxda Maraykanka oo Heshiis Gaaray
Madaxda Maraykanka oo Heshiis Gaaray

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay in madaxda Congress-ku ay ku heshiiyeen kordhinta xadka deynta iyo dhimista kharashka dowladda

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hoggaamiyayaasha Congress-ka Maraykanka la gaadhay heshiis meel dhexe la isugu yimid oo kor loogu qaadayo xadka deynta dowladda Maraykanka.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in heshiiskani uu dhimayo 1 trillion (Kun Billion) kharashka dowladda tobbanka sanno ee soo socda. Heshiiskan ayaa sidoo kale abuuraya guddi congress ah oo ka shaqeeya sidii dhimis dheeraaad ah loo sameyn lahaa. Guddigan wuxuu sidoo kale eegi doono arrimo badan oo ay ku jiraan canshuur kordhin la sameeyo waliba iyo dhimis lagu sameeyo barnaamijyada gunooyinka bulshada sida barnaamijka daryeelka caafimaadka ee loo yaqaan (Medicare).

Congress-ka ayaa la filayaa inay maanta oo isniin ah ansixiyaan heshiiskan, aqalka Senate-ka ayaa la rajaynayaa inuu ansixiyo, laakiin heshiiskan ayaa diidmo badan kala kulmi doona aqalka congress-ka ee uu hoggaamiyo xisbiga Jamhuuriga.

XS
SM
MD
LG