Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda IGAD oo Maanta Ku Shiraya Muqdisho


IGAD Mogadishu
IGAD Mogadishu

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in maanta ay ku shiraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya markii ugu horreysay tan iyo sanaddii 1986-kii markaasi oo ururka la aasaasay.

Shirkan maanta furmaya ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka Soomaaliya, oo martri-gelineysa, Kenya, Jabuuti, Uganda, Ethiopia, Sudan iyo Koonfur Sudan.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee Sonna aya agoordhwo baahisay in wasiiro ka socda Dalalka Uganda, Djibouti iyo Kenya ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaga oo horudhac u ah madaxda dalalkooda oo Muqdisho kusoo wajahan.

‘’Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

XS
SM
MD
LG