Isku xirrada

War

Madaxda IGAD oo ka Hadlay Cunaqateynta Eritrea

  • Falastin Iman

Madaxweynayaasha Somalia iyo Djibouti, Shariif Sheekh Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle iyo R/wasaare Ethiopia ayaa Addis Ababa kaga wadahadlay cunaqabateynta QM ee la saarayo dalka Eritrea.

Madaxda ayaa khudbaddo dhinaca video-ga ah kaga qeyb-qaatay fadhiga gollaha amniga ee QM ee magaalada New York ee looga arrinsanayo cunaqateyn la saaro dalka Eritrea. Gollaha Amniga ayaa madaxda ka dhageystay aragtidooda ku aadan cunaqateyn lagu soo rogo dalka Eritrea oo lagu eedeynayo inuu taageerro kooxaha mucaaradka ku ah dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ee DKMG, C/qaadir Xuseen Jaahweyn ayaa VOA u sheegay in saddexda madax ay ka mideysan yihiin cunaqabateyn la saaro dalka Eritrea oo ay sheegeen inuu halis ku yahay amniga iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

Dhageyso wareysiga wasiirka warfaafinta ee DKMG.

XS
SM
MD
LG