Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Dowladda oo Xusay Calanka


Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayey sannad guuradii 61-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliya.

Munaasabadda, ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo madax kale.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey munaasabadda, ayaa waxa uu beeniyey warar uu sheegay in baraha internet-ka lagu qoray oo ah in wax laga beddelayo calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa dhinaca kale ugu baaqay maamul goboleedyada iyo dowladaha hoose inaysan isla siman calamadooda iyo kan qaranka, oo ay sare mariyaan calanka qaranka.

Waxaa warbixintan Muqdisho nooga soo dirtay Seynab Abuukar.

Xuska Calanka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00

XS
SM
MD
LG