Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda DKMG oo Muqdisho ku Laabtay


Madaxda DKMG oo Muqdisho ku Laabtay
Madaxda DKMG oo Muqdisho ku Laabtay

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed iyo ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, saacado ka dib markii lagu dhowaaqay qodobada heshiiskii lagu gaaray magaalada Kampala.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku sugnaa kumannaan dad ah oo ka careysnaa qodobada heshiiskaasi oo mid ka mid ah uu qorayay inuu 30 cisho gudeheed isku casilo Ra'iisal Wasaare Farmaajo.

Ra'iisal wasaaraha ayaa markii uu garoonka ka degay waxa uu salaan la dhexmaray dad badan oo gudaha garoonka ku jiray, ka dibna wuxuu gacan si gacan haatis ah ku salaamay dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay bannaanka hore ee garoonka.

Dadkaasi ayaa codsanayay in Mr. Farmaajo uusan xilka ka degin oo ay doonayaan inuu xilka sii hayo.

XS
SM
MD
LG