Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Ahlu Sunna oo Addis u Baxay


Madaxda Ahlu Sunna oo Addis u Baxay
Madaxda Ahlu Sunna oo Addis u Baxay

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa ka dhoofay Dhuuso Mareeb iyaga oo u sii jeeda Addis Ababa.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhusa Mareeb ee gobolka galgaduud ayaa sheegay in masuuliyiintii ugu saraysey Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay maanta saaladii Jimcaha kadib ay diyaarad khaas ahi ka qaaday garoonka magaaladiis, si ay u gaarsiiso magaalada Addis Ababa oo lagu wado in ay heshiis ku kala saxiixdaan dowlada KMG ah iyo ururka Ahlu Sunna.

Xubnahan manta u dhoofay Addis Ababa oo tiradooda lagu sheegay ilaa shan ruux waxaa ka mid ahaa gudoomiyah guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan, iyo gudoomiyaasha Fulinta iyo talada ururkaasi.

Xubnaha manta u dhoofay Adis Ababa ayaa maalimihii tagay kulamo gooni gooni ah kula lahaayaa masuuliyiinta deegaanada gobolada dhexe, waxanaa Adis Ababa uga horeeyey xubno kale oo Ahlu Sunna ka tirsan oo Muqdisho ka tagay.


XS
SM
MD
LG