Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaafiic dad ku dilay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay kadib markii baabuur bus ah oo ay saarnaayeen uu ku habsaday madfac xaafadda Siinay, Muqdisho

Ugu yaraan 3 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 9 kalane waay ku dhaawacmeen kadib markii madaafiic xoggan lagu garaacay qeybo kamida degmoyinka Yaaqshid iyo Wardhigley ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen gaari nooca dadweynaha ah oo marayay isgoska Siinay iyo Afarta-Jardiino xiligaas oo uu qabsaday madfac habow ah sida ay VOA-da usheegeey dadka degaankaasi ku sugnaa.

Madaaficda iyo dagaallada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa waxyeelo ka soogaadhaa dadka ra’yidka ah ee ku sugan xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.

XS
SM
MD
LG