Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Mareeg State


Maamulka Mareeg State
Maamulka Mareeg State

Mas'uul ka tirsan maamulkaasi ayaa sheegay inay ka mid yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Cali, guddoomiyaha qaban qaabada maamul goboleedka Mareeg oo dhowaan looga dhowaaqay magaalada London ayaa sheegay in ujeedada maamulkaasi ay tahay sidii loo mideyn lahaa beesha deegaanada Mareeg.

Mas'uulkan ayaa sheegay in maamulkoodu uu u diyaargaroobi doono sidii uu qeyb uga noqon lahaa federaalka Soomaaliya.

Mareeg ayuu hseegay inay ku taallo dhinaca waqooyi ee gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxayna teedsan tahay inta u dhaxeysa Xarardheere ilaa Budbud, ku dhowaad 250km ayka haysaan Badweynta Indiya, sida uu sheegay Maxamed Xaaji Cali.

Inkastoo maamulku uusan haatan ku sugneyn deegaanadaasi, haddana Maxamed Xaaji Cali waxa uu sheegay in ay dhowaan tegi doonaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay kulamo halkaasi kula yeelan doonaan odayaasha, culimada iyo waxgaradka dadyowga ka soo jeeeda deegaanada Mareeg State.

XS
SM
MD
LG