Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ma Tahay In La Kala Diro Baarlamaanka?


Ma Tahay In La Kala Diro Baarlamaanka?
Ma Tahay In La Kala Diro Baarlamaanka?

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay inay habboon tahay in la kala diro Baarlamaanka Soomaaliya.

Bishan Janaayo ee 2012 waxay baarlamaanku u kala jabeen laba qaybood kadib markii koox ka soo horjeedda Guddoomiyaha Baarlamaanka ay doorteen Madoobe Nuunow inuu noqdo Guddoomiye Baarlamaan, iyadoo koox kalena ay difaacayso sharciyadda Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Muranka baarlamanaka waxa uu isku beddelay gacan ka hadal iyadoo muddo saddex toddobaad gudaheed ah ay xubnaha baarlamanaku afar jeer gacanta isku qaadeen, iyadoo ay dhaceen dhaawac iyo burbur hanti.

Haddaba ma tahay in xubnahan baarlamaanka la kala diro ka hor waqtigii loogu talogalay oo ku eg 30ka bisha May mar haddii ay astaan u noqdeen kala-qaybsanaanta siyaasadeed ee waddanka?

Waa mowduuca barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka? Waxaana marti ku ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliya, Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali, Prof.Cabdiraxman Macalin Baadiyow iyo Cabdulqaadir Cumar "Kaatib".

Hoos ka dhagayso barnaamijka

XS
SM
MD
LG