Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Magaalada Marka oo la kala Qabsaday Dagaal Kadib


dagaal1
dagaal1
Dawladda Soomaaliya ayaa ku baaqday xabbad-jojin laga sameeyo magaalada Marka iyo Gobolka Shabeellaha Hoose kadib dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay.

Kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrrada ayaa lagu baaqay in labada dhinac ay si degdeg ah colaadda u joojiyaan. Dawladda ayaa sidoo kale dalbatay in laga saaro goobaha la iskaga horyimid maleeshiyooyinka dagaalamayey.

Dhinaca kalena goobjoogayaal ku sugan magaalada Marka ayaa VOA u sheegay in iska horimaadyo xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Marka ay keentay in dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalamayey ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan gobolka ka helno ayaa sheegay ugu yaraan 15 qof inay dhinteen tiro kalena ay dhaawacmeen.

Mid ka mid ah dadka ku nool magaalada ayaa Sahra Cabdi Axmed uga warrantay xaaladda magaalada.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00
XS
SM
MD
LG