Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda iyo Shirkadaha Caymiska


Burcad-badeedda iyo Shirkadaha Caymiska
Burcad-badeedda iyo Shirkadaha Caymiska

Shirkaddaha caymiska ayaa sheegay inay sii balaarteen baddaha halista u ah weerarada ay geystaan burcad-badeedda Soomaalida

Shirkadaha caymiska maraakiibta ee ay xaruntoodu tahay magaalada London ayaa sheegay in ay balaadhiyeen baddaha loo arko in ay halis ku hayaan burcad-badeedda Soomaalida, waxayna talaabadani ay qaali ka dhigi doonto lacagaha caymiska ah ee laga qaado maraakiibta baddahaasi marta.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaankan oo keliya ay burcad-badeedda soomaalidu qabsadeen markab kuwa shixanadaha qaada ah oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo dooni kuwa kaluumaysiga ah oo laga leeyahay waddanka Yemen

Burcad-badeedda ayaa balaadhiyay goobaha ay weerarada ka geystaan iyagoo gaadhsiiyay meelo ku dhaw xeebaha wadanka India iyo waliba jasiirada seychelles.

Shirkadah caymiska maraakiibta ayaa iyaga oo kaga jawaabaya arintan man waxaa ay imika ku dareen baddaha ay halista ku hayaan burcad-badeeddu gacanka Cumaan iyo badwaynta India oo dhan,

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa imika afduub ahaan u haysta 25 isugu jira maraakiib iyo doonyo,waxaana saaran shaqaale ka badan 555 badmaax.

XS
SM
MD
LG