Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiiro Iska Casilay Xukuumadda Siilaanyo


Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali ayaa ka mid ah wasiirada is-casilay
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali ayaa ka mid ah wasiirada is-casilay

Wasiirada is-casilay ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya inay is casileen illaa sagaal wasiir iyo wasiir ku xigeenno oo ay ku jiraan xubno muhiim ka ahaa dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Xubnaha is casilay waxaa ku jira wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, wasiirka arrimaha dibedada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Aw-daahir.

Waxaa sidoo kale iyaguna is casilay wasiir ku xigeennada bulshada iyo dib u dejinta iyo wasiir ku xigeenka deganaka.

Waxaa sidoo isna is-casilay afhayeenkii madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul

Xubnahan ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.

XS
SM
MD
LG