Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar NATO Ah Oo Lagu Dilay Afghanistan


Askarto NATO ee Afghanistan (Sawir hore)
Askarto NATO ee Afghanistan (Sawir hore)

Askartan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bar kontorool oo ku dhow saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku sugan yihiin ee Bagram.

Saraakiil ku sugan dalka Afghanistan ayaa sheegay in qof ismiidaamiye ah oo watay mooto uu weeraray bar kontorool oo ay wada joogeen ciidamada Mareykanka iyo Afghanistan.

Weerarkaasi oo ka dhacay meel u dhow saldhigga Bagram ayaa waxaa lagu dilay lix ka tirsan ciidamada NATO, islamarkaana lagu dhaawacay dhowr kale.

Jeneraal Wilson Shoffner, oo ah afhayeen u hadlay NATO oo ku sugan magaalada Kabul, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in weerarka uu dhacay maalin dhexaadkii maanta.

Saldhigga Bagram waa saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku lee yihiin dalka Afghanistan.

Warar ay soo dhigeen baraha Bulshada ayay Daalibaan ku sheegteen inay dileen 19 askari, oo badankood ahaa askar Mareykan ah.

Dhalashada askarta ku geeiyootay weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay weli lama shaacin.

XS
SM
MD
LG