Isku xirrada

War

Lindhout: Deeqda Waxbarashada Haweenka


Amanda Lindhout

Amanda Lindhout

Amanda Lindhout, oo ah saxafiyad u dhalatay Canada, ayaa sanadkii labaad ay waxbarasho u heshay Haween Soomaaliyeed.

Gabar horey u ahaan jirtay Saxafiyad una dhalatay dalka Canada, oo iyada suxufi kale lagu afduubtay duleedka magaalada Muqdisyo ee xarunta dalka Soomaaliya, bishii August sanadkii 2008,lana sii daayay 15 bilood ka ka dib, ayaa sheegtay inay sanadkii labaad deeq waxbarasho u fidineyso 25 gabdhood oo Soomaali ah oo laga bixinayo kharashka jaamacadda iyo nolosha inta ay wax ku baranayaan gudaha Soomaaliya.

Amanda Lindhout, waxay VOA u sheegtay inay taageero weyn u heshay mashruuceedan ay u bixisay barnaamijka deeqda waxbarasho ee haweenka Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG