Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liiska Doorashooyinka Somaliland


Liiska Doorashooyinka Somaliland
Liiska Doorashooyinka Somaliland

Somaliland waxaa ka socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee doorshooyinka, iyadoo la soo afjaray guud ahaan ololihii ay wadeen sadexda xisbi.

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo saaray liiska ugu danbeeyey ee dadka ka qeybgalaya doorashooyinka guud ee Somaliland ka dhici doona maalinta sabtida ah.

Liiskan waxaa ku qoran dad tiradooda lagu sheegay in ka badan 1100.000 (hal malyuun iyo boqol kun oo qof). Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Borame iyo Ceergaabo ayaa ah magaalooyinka ugu waa weyn ee dadkaasi ay ka diiwaangashan yihiin.

Hargeysa waxaa ka codeyn doona 230 kun oo qof, Burco waxaa ka codeyn doona 179 kun, Boorame waxaa ka codeyn doona 113 kun halka Ceergaabo ay ka codeyn doonaan 74 kun.

Dadka Somaliland ayaa si weyn ugu hanweyn doorashadan, iyagoo aaminsan in doorashadani ay tahay mid ay ku heli karaa ictiraaf.

Weriyaheena Harun Macruf oo Hargeysa ku sugan ayaa ka warramaya sida ay tahay diyaargarowga uga danbeeyay ee doorashada.

XS
SM
MD
LG