Isku xirrada

War

Weerarada ka dhanka ah Libya


Weerarada ka dhanka ah Libya

Weerarada ka dhanka ah Libya

Waxaa wali socda weeraro duqeyn ah oo ciidamada Galbeedku ay ku hayaan Liibiya. Qadaafi ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay dagaa muddo dhee socda..

Wali waxaa dalka Libya ka socda weeraro duqeyn ah oo ciidamada Galbeedku ay la beegsanayaan saldhigyada ciidamada Liibiya.

Mucaamaral Qadaafi ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay dagaal dheer oo u la galo dalalka reer Galbeedka ee weerarka ku soo qaadayiisa.

Qadaafi wuxuu xusay inuu diyaariyay dhamaan wixii uu hub haystay, isla markaana dadkiisu ay diyaar u yihiin inay la dagalamaan oo iska difaacaan xoogaga shisheeye ee dalka Liibiya ku soo duulay.

Tilifishanka Libya ayaa laga baahiyay in weeraradan lagu dilay 48 qof, 150 qof oo kalena lagu dhaawacay.

Safiirka Soomaalida ee dalka Libya, C/qani Max;ed Waceys ayaa VOA u sheegay in xaaladdu tahay mid kacsan oo la dareemo karo baqdin iyo cabsi ay dadka Libya ka qaadeen weerarada gantaallada ah ee lala beegsanayo Libya.

XS
SM
MD
LG