Isku xirrada

War

Libya: Dhimasha Qaddafi oo loo Dabaaldegayo


Libya: Dhimasha Qaddafi oo loo Dabaaldegayo

Libya: Dhimasha Qaddafi oo loo Dabaaldegayo

Magaalooyinka Libya qaarkood waxaa ka socda dabaaldegyo ku aadan dhimasha Mucammar al-Qaddafi oo Libya maamullayay 42 sannadood.

Taageerayaasha golaha qaranka Libya iyo dadweynaha ayaa waddooyinka isugu soo baxay waxayna muujinayaan farxad iyagoo sheegay in Qaddaafi uu ahaa hoggaamiye arxan daran oo Libya galiyay dagaallo kaddib markii uu diiday inuu xukunka ka dago

Dadkan ayaa sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay dalka Libya.

Mucammar Qaddaafi ayaa xilka dalka Libya afgambi militari ku qabsaday isagoo xilka hayay muddo ka badan 42 sannadood.

XS
SM
MD
LG