Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lamaanihii reer Britain oo Nairobi ku Sugan


Lamaanihii reer Britain oo Nairobi ku Sugan
Lamaanihii reer Britain oo Nairobi ku Sugan

Lamaanihii reer Britain ayaa hadda magaalada Nairobi ku sugan iyada oo xaaladooda caafimaad la eegayo, ka dib dalkooda kusii wajahan.

Waxaa shalay la sii daayey lamaane u dhashay waddanka Britain oo muddo 13 bilood ku dhow lagu haystay gobolada dhexe ee Somalia. Lamaanaha oo laga soo duuliyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa shalay yimid magaalada Muqdisho, halkaasna kula kulmay madaxda sar-sare ee Somalia. Isla shalay ayaa lamaanihaas loo duuliyey waddanka Kenya oo hadda la sheegay in caafimoodkooda lagu baarayo inta ayna waddankoodii u duulin.

Madaxweynaha Maamullka Ximin iyo Xeeb, Maxamed Aadan ayaa sheegay in maamulkiisu culeys badan saaray soo deynta lamaanahaas reer Britain.

Dhinaca kale, wargeysyo dhowr ah oo ka soo baxa dalka Britain ayaa bogaga hore u hibeeyey soo deyntii lamaanihii Britain ee lagu haystay gobolada dhexe ee Somalia.

XS
SM
MD
LG