Isku xirrada

Labada Korea oo Gantaalo Isku Riday


Xiisad kasoo cusboonaatay labada Korea

Xiisad kasoo cusboonaatay labada Korea

Wasaaradda difaaca ee kooriyada koofureed ayaa sheegeysa in dhacdada ay billaabatay markii Kuuriyada woqooyi ee madaafiic ku ridday goobo militari.

Kuuriyada woqooyi iyo kuuriyada Koofureed ayaa gantaalo isku weydaarsaday xuduudda dhinaca bari ee waddamadaasi, masuuliyiinta xukuumadda Seol ayaa sheegaysaa in ay tani tahay qalalaasihii u dambeeyay ee dhinaca xududda hadda soo laba kacleysay

Wasaaradda difaaca ee kooriyada koofureed ayaa sheegeysa in dhacdada ay billaabatay markii Kuuriyada woqooyi ee madaafiic ku ridday goobo militari oo ay kuuriyada koofureed leedahay.

Kuuriyada koofureed ayaa kaga jawaabtay in ay billowdo in daraasino gumucyo militari ah oo ay dhererkoodu gaarayaan 155 millimeter ay ku ganto woqooyiga, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koofureed ayaa tabisay in gantaaluhu ay u muuqdeen inay ku habsadeen goob buuraley ah oo ku dhow saldhig kulitari oo ay koofurtu leedahay oo ku yaalla magaalada Yeoncheon, oo 60 kilometer dhinaca woqooyi ka xigta caasimadda Seoul.

Lama sheegin inay cid wax ku noqotay gantaalahaasi

XS
SM
MD
LG