Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba nin oo lagu xiray garoonka JF Keneddy


Bileyska Maraykanka ayaa ku xidhay laba nin oo qorsheynayay inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee dalka Somalia.

Bileyska magaalada New York ayaa xidhay laba nin oo isku diyaarinayay inay u safraan Somalia si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia

Mas’uuliyiinta Federaalka iyo gobolka New York, ayaa sheegay in labada nin xalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee JF Kenneddy. Labadan nin ayaa lugu sheegay inay kala yihiin Mohamed Hamoud Alessa oo 20 jir ah iyo Carlos Eduardo Almonte oo 26 jir ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in labadan nin, oo dhalashada Maraykanka haysta ay isku diyaarinayeen inay duulimaadyo kala gaar ah u kala raacaaan dalka Masar, halkaasna ay doonayeen inay uga sii baqoolaan Somalia si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabab.

Labadan nin ayaa haatan lagu eedeeyay shirqooolo ay ku samaynayeen falal argagixiso oo caalami ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in labadan nin oo muddo sanooyin ah ladaba socday ay maalinta bari ah ka soo muuqan doonaa maxkamad federaali ah.

XS
SM
MD
LG